Boqolaal katirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaarey duleedka Degmada Beled-xaawo…

Boqolaal katirsan ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa maanta gaarey duleedka Degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka amarqaata dowladda Somalia.
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa kaabiga ku haya degmada Beled-xaawo oo ay joogaan ciidamada taageersan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Amniga Jubaland ee Cabdirashiid Janan oo dhawaan diyaarad lagu geeyey xerada UK.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan dhawaan loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ee Gobolka Gedo ahna Madaxa guud ee Amniga Gobolka, isagoo sheegay inuu Mas’uul ka yahay gobolka Gedo.
Maalin kahor ayey ahayd markii dowladda Itoobiya ku amartay ciidanka uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan inay muddo saddex cisho ah isaga Baxaan Beled-xaawo iyo guud ahaan deegaamada hoosyimaada.



