Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iska difaacay weerar ay aroornimadii hore ee saaka malayshiyaad…

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iska difaacay weerar ay aroornimadii hore ee saaka malayshiyaad katirsan AS ku soo qaadeen deegaanka Burjeed oo dhanka Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo.
Saraakiil katirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey inay horay ula socdeen dhaqdhaqaaqa AS iyo qorshaha weerarkani ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen malayshiyaadkii soo qaaday.
“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.
Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday”, Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay warbaahinta DFS.