Taliska ciidanka PFS ee katirsan dowladda federalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horraysay ka hadlay…

Taliska ciidanka PFS ee katirsan dowladda federalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dagaal deegaanka Laag ee degmada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa PSF oo ka soo kicitimay Magaalada Boosaaso.
Mid kamid ah saraakiisha ciidanka PSF oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dagaal qaatay saacado badan uu sababay in ciidankoodu ay ka baxsadaan gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis lagu qabtay deegaanka Laag, wuxuuna dowladda Puntland ku eedeeyey inay u adeegsatay diyaaradaha Droneska oo uu sheegay in lagu duqeeyey.
Dhanka kalena, Sarkaalka katirsan PSF waxa uu sheegay inay hoos tagaan DFS uusanna dowlad goboleedku xaq u lahayn ciidan difaac oo ay tahay inuu yeesho ciidamo boolis ah, taasi beddelkeedana ay matalayaan ciidanka difaaca Somalia, sida uu hadalka u dhigay.




