Ciidanka Puntland oo saaka dagaal culus ku qaaday kooxda Daacish ayaa saldhigyo horleh kala wareegay

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa maanta dagaal culus ku qaaday kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Ciidanka ayaa saldhigyo cusub kala wareegay Daacish, iyagoona laayey maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa.
Mid ka mid ah talisyada ugu weyn ayaa ka mid ah talisyada maanta Ciidanku la wareegeen. Waa talis lahaa awood isgaarsiin isla markaana aad uga sareeyay dhulka oo meelo badan laga arki karay.
Ciidanku waxay ay dilaan iyo wax carara ayey ka dhigeen argagixisadii ku sugnayd talisyadaasi, weli hawlgalka waa uu socda , geesiyaasha aan ganban ee Ciidanka Dowladda Puntland ayaa hore ugu ruqaansaday argagixisada.
Horseed Media