Ciidanka Puntland oo 2 kamid ah Daacish ku diley ceelka Yucrin ee togga Baallade.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa guul ka gaarey hawlgallo qorshaysan oo ay maanta ka sameeyeen qaybo…

22 August, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa guul ka gaarey hawlgallo qorshaysan oo ay maanta ka sameeyeen qaybo kamid ah togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ee ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in laba xubnood oo katirsan Daacish lagu diley hawlgalkii maanta oo ciidanku ku qabsadeen Ceelka Yucrin.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Ceelka Yucrin ee Togga Baallade, Labo Argagixiso ah ayaa lagu dilay, hawlgalka ayaa sidoo kale ka socda Ceelka Maraagaale, dhammaan waxay ka tirsanyihiin Togga Baallade“, Taliska hawlgalka Hillaac ee Buuraleeyda Cal-miskaad.

Qabashada ceelka Yucrin waxaa garab socda hawlgallo kale oo argagixisada looga nadiifinayo ceelka Maraagaale, oo kuyaalla togga Baallade, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.