Ciidanka Puntland oo ajnabi ka tirsan Daacish ku toogtay magaalada Boosaaso

25 January, 2025

Ciidamada amaanka dowladda Puntland ayaa xalay ku toogtay magaalada Boosaaso nin ka tirsan kooxda argagixisada Daacish, kaas oo miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, ayna xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ku sugnaa aaga oo ka shakiyey.

Ninka oo ahaa Ajnebi ayaa markii uu arkay ciidamada amaanka oo si degdeg ah goobta u soo gaaray ayaa qarxiyey miinadii uu aasayay, isagoo isku dayay in uu goobta ka baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay.

Shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel ayaa garab istaag u muujiyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, iyagoo gacan ka geysanaya howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad iyo adkeynta amniga guud ee deegaanka.

Kooxda Daacish oo maalmahan wajahayey duulaan culus oo kaga yimid ciidamada difaaca Puntland oo ka laayey horjoogayaal badan kalana wareegay ku dhowaad 50 saldhiyadooda ayaa u muuqda inay xiligan dhagaro ka maleegayaan gudaha magaalooyinka maadaama looga adkaaday buuraleyda Puntland.

Horseed Media