Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa maanta burburiyey goobo…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa maanta burburiyey goobo gabbaad u ahaa kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo horay loogu jebiyey togga Jacayl.
Ciidanka oo saaka qaaday hawlgallo qorshayn oo qayb ka ah wajiga saddexaad ee hawlgalka Hillaac ayaa cagta Mariyey fariisimo, godad iyo ceel-biyoodyo ay ku dhuumaalaysan jireen firxadka ajaaniibta nabaddiidka ah ee ku soo duuley Soomaaliya.
Fariisimadii ay maanta ciidanku burburiyeen ayaa waxaa kamid ah Dal-laas , shilin-cas , Buur-gaal , Dhanan oo dhammaan kamid ahaa goobihii ugu dambeeyey ee ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka Daac1SH.
