Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka ciidanka difaaca dowladda Puntland ku…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka ciidanka difaaca dowladda Puntland ku qaadeen ceel biyoodyo ay Daacish kaga dhuumaalaysanaysay togga Baalade ee gobolka Bari.
Ciidanka difaaca Puntland oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan kana ruuqaansaday deegaanka Xabley ee degmada Ufayn ayaa weerar culus ku qaaday ceelka Shinkaalo ee Baalade sare, sida ay HM u xaqiijiyeen saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac.
Saraakiisha ayaa sheegay inuu halkaasi ka dhacay dagaal kharaar oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo malayshiyaadka Daacish oo halkaasi lagu gaarsiiyey jab culus ayna warbaahinta u soo bandhigi doonaan khasaaraha Daacish soo gaarey.
Ujeedada hawlgalkaan ayaa ahayd sidii gacanta loogu dhigi lahaa Ceelasha Bocol, Cadale iyo Baarakallah oo dhammaan ku teedsan Baalade sare, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen firxadkii Daacish ee ka soo cararay qaybaha hoose ee Baalade, Miiraale iyo goobo kale.



