Ciidanka Puntland oo degmada Eyl ku qabtay budada laga sameeyo walxaha qarxa.

13 December, 2025

Ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo ay ka sameeyeen xeebaha degmada Eyl ee…

Ciidanka badda Puntland ee PMPF ayaa hawlgallo qorshaysan oo ay ka sameeyeen xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ku soo qabtay doon siddey Budooyinka laga samee qaraxyada, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo lagu farsameeyo jaadadka qaraxyada waxyeelada ba’an-geysta.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska guud ee ciidanka PMPF ayaa sheegay in budooyinka la qabtay ay ka mid yihiin walxo loo adeegsado farsamaynta qaraxyada, kuwaas oo leh khatar iyo waxyeello ba’an haddii lagu guuleysto in la gaarsiiyo kooxo amni-darro ka shaqeeya ee Daacish iyo Alshabaab.

Talisak PMPF ayaa xaqiijiyey in doonta ay saarnaayeen toddoba ruux, kuwaas oo labo ka mid ah ay u dhasheen dalka Yemen, halka shanta kalena ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, iyadoo dhammaan eedaysanayaasha lagu wareejin doono hay’adaha caddaaladda.

Ciidamada PMPF ayaa xusay in howlgallada lagu xaqiijinayo amniga xeebaha Puntland ay sii socon doonaan, iyagoo uga digay shabakadaha ku lugta leh tahriibinta hubka iyo walxaha qarxa inaysan meel ammaan ah ka heli doonin deegaanada Puntland.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay ciidanka difaaca Puntland buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ku baacsanayaan firxadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo looga adkaaday dagaaladii foolka-foolka ahaa.