Malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Daacish oo ay dagaal xooggan ku qaadeen ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa…

Malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Daacish oo ay dagaal xooggan ku qaadeen ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa la soo werinayaa inay kujiraan waayohoodii ugu dambeeyey ee Puntland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Firxadkii ugu dambeeyey ee Daacish oo horay lagu jirey Cal-miskaad ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku ururiyay ceelka Il-abbal oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay jiho kasta kaga siqayaan ciidamada difaaca Puntland, sida saraakiishu sheegeen.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ayaa sheegay in ciidanku dhawr jiho kaga sii socdaan malayshiyaadka isku urursanaya ceelka Il-abbal, ayna maalmaha soo socda soo afmeeri doonaan guud ahaan jiritaankooda.



