Ciidanka Puntland oo digniin u diray odayaasha dhaqanka.

2 January, 2026

Ciidanka cusub ee booliska Puntland ayaa wada qorshayaal lagu ciribtirayo kooxaha isticmaala ama ka ganacsada noocyada…

Ciidanka cusub ee booliska Puntland ayaa wada qorshayaal lagu ciribtirayo kooxaha isticmaala ama ka ganacsada noocyada kala duwan ee maandooriyaha oo siweyn ugu soo batay deegaamada Puntland.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadii tababarka loogu soo xiray Carmo iyo kuwa dhawaan tababar ugu soo dhammaan doono Qardho ay qaadi doonaan hawlgallo qorshaysan.

Taliyaha ayaa ugu yeeray dhammaan shacabka Puntland inay ciidamada gacan siiyaan, isagoo ka digey inay ka daba yimaadaan dadka lagu soo xiro, lagu dhaawaco iyo kuwa ku dhinta iyagoo gacanta ku haya maandooriyaha.

“Gobol walba waxaa ka hawlgeli doona 300 oo ciidan ah si ay cagta u mariyaan dadka maandooriyaha ka shaqeeya, laakiin odayaal badan ayaa oran doona wiilbaa nalaka diley ama nalaka dhaawacay, waa inaan laysaga daba imaan dadka arrintaa gacanta kula jira”, Taliye Xuseen Cali Daan.