Ciidanka Puntland oo diley hoggaamiyihii malayshiyaadka Daacish ee togga Jacayl.

24 February, 2025

Ciidamada difaaca Puntland ayaa dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ku diley Abu Abdalla…

Ciidamada difaaca Puntland ayaa dagaalka ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ku diley Abu Abdalla Al tuunisi oo ahaa taliyihii ugu sareeyey malayshiyaadka ku sugan Togga Jacayl.

Cimaad Binu Saalax oo magiciisa afgarashadu yahay Abu Abdalla Al tuunisi ayaa ciidamada difaaca dowladda Puntland ku ku dileen dagaal 20-kii february 2025 ka dhacay inta u dhexaysa deegaanka Qurac ilaa Dandamaale.

Saraakiil dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in shaqsiga la diley oo ka soo dagaalamay qaar kamid ah dalalka caalamka meydkiisa lagu qarxiyey diyaarad drone ah si aan loo aqoonsan haseyeeshee laga helay macluumaad muujinaya magiciisa, tirada ciidamada uu maamuli jirey, hubka ay haystaan iyo xogo kale oo dagaalkaan la xiriira.