Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo hawlgallo lagu sifaynayo kooxda Daacish ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo hawlgallo lagu sifaynayo kooxda Daacish ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, ayaa diley saddex kamid ah malayshiyaadkaasi iyagoo gacanta ku dhigay mid kale oo ajnabi ah.
Ragga ay toogteen ciidanku ayaa ka soo kala jeedey dalalka Morocco, Ethiopia iyo Somalia, halka midka la qabtay uu ka soo jeedo dalka Tanzania, sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad.
Afartaan xubnood ee katirsan kooxda Daacish ayaa la sheegay inay dhac u geysteen qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaanka Dhidigale ee buuraleeyda Cal-miskaad, kadib markii ciidanku ku go’doomiyaan togga Baallade.
“Hawlgal Ciidanku sameeyay waxay dileen saddex Firxadka argagixisada Daacish ah oo u kala dhashay Moroco, Ethiopia iyo Somalia, waxay nolosha ku qabteen hal nin oo u dhashay Tanzania. Ragan ayaa laga hawlgalay iyagoo isku dayaya in ay Geel ka dhacaan reer baadiyaha deegaanka Dhidigale ee buuralayda Calmiskaad, Geelii ayaa loo celiyay dadkii lahaa waxayna muujinaysa tani xaaladda naflacaariga ah ee ay marayaan firxadka Argagixisada Daacish”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay hawlgalka Hillaac.



