Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka hiirtii Waaberi hawlgallo cir iyo dhul ah ku qaaday buuraleeyda…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka hiirtii Waaberi hawlgallo cir iyo dhul ah ku qaaday buuraleeyda deegaanka Xabley ilaa togga Baallade, oo ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan Daacish.
Ciidanka ayaa jihooyin kala duwan kaga dhaqaaqay godad la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan firxadka Daacish oo u badan Soomaali madax ah iyo ilaaladooda, sida ay sheegeen saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac.
Diyaaradaha dagaalka Puntland oo dusha sare ka ilaalinaya ciidamada ayaa saaka duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacaya godad ay ku go’doonsan yihiin argagixisadu, halkaasi oo laga arkayo qiiq iyo uuro is qabsaday.
Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa habeenimadii xalay fuliyay duqeymo xooggan oo ka dhan ah firxadkii argagixisada, inkastoo aysan Puntland iyo Maraykanka midna weli ka hadlin duqeymihii xalay.




