Ciidanka Puntland oo fariisimo muhiim ah ka qabsaday kooxda Daacish.

3 September, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo xooggan ka wada togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad, oo ay…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo xooggan ka wada togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad, oo ay ku dhuumaalaysanayaan firxadkii kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.

Ciidanka ayaa hawlgalladii ugu dambeeyey ee togga Baallade ku qabsaday taliskii kooxda Daacish ee Al-barako, oo kamid ahaa godadkii ugu dambeeyey ee ay kaga dhuuman jireen duqaymaha iyo ciidanka lugta ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay Warkan, kaddib dagaal culus oo tan iyo saaka ka socday ceelka Al-Barako oo ay difaacyo adag ka samaysteen argagixisadu bilihii ugu dambeeyey.

“Ciidanku waxay Firxadka Argagixisada Daacish ka saareen Ceelka Albaraka ee Togga Baallade, waxaa la dilay qaar ka mid ah firxadka Iyadoo hadana weli dagaalku socdo oo laga sifeynayo godadka ay ku hareen. Calmiskaad” ayuu u qornaa warkan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.