Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa fashiliyey weerar qorshaysan oo rag katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa fashiliyey weerar qorshaysan oo rag katirsan kooxda nabaddiidka ah ee Daacish ku qaadeen deegaanka Dhaadaar oo katirsan togga Jacayl ee Buuraleeyda Cal-miskaad.
Sarkaal katirsan ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in kooxdaan go’doonka ah doonaysay inay waxyeelayso ceelbiyood ay dhawaan deegaanka ka hirgelisey dowladda Puntland.
Waxa uu sheegay in ciidanku fashiliyeen guud ahaanba weerarkaasi ayna ku dhaawacmeen saddex askari, inkastoo uusan shaacin khasaaraha kooxda Daacish ka soo gaarey weerarka ay ku qaadday ceelbiyoodka deegaankaasi.

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa go’aansaday in la joojiyo duulaankii Daacish iyadoo lagu bedeley duqaymo diyaaradeed iyo go’doon dhanka sahayda ah, haraadiga ku sugan togga Baallade ee duleedka Boosaaso.



