Ciidanka difaaca dowaldda Puntland ayaa hawlgallo lagu baacsanayo haraadiga kooxdii jabtay ee Daacish ka wada deegaamo…

Ciidanka difaaca dowaldda Puntland ayaa hawlgallo lagu baacsanayo haraadiga kooxdii jabtay ee Daacish ka wada deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgalladii ugu dambeeyey oo ahaa kuwa garbo siman ah ayaa ciidanku ku galeen Baallade, Wangable iyo deegaamo kale oo laga helay xogta firxadka Daacish.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka ayaa xaqiijisay in todobaadkaan gudihiisa la gaarey deegaamo aad u ballaaran isla markaana jab xooggan la gaarsiiyey firxadka Daacish oo si hal qalable ah deegaamada qaar ugu dhuumaalaysanaya.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay in la soo afmeeri doono hawlgalka Hillaac tallaabada xigtana ay noqon doonto hawlgalka Onkod ee buuraleeyda Cal-madaw.




