Ciidanka Puntland oo gaarey goobihii Daacish lagu duqeeyey.

27 March, 2025

Cutubyo katirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey deegaanka Aleel-yar ee buuraleeyda gobolka Bari, oo kamid…

Cutubyo katirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa gaarey deegaanka Aleel-yar ee buuraleeyda gobolka Bari, oo kamid ahaa goobihii ay habeen kahor duqaymaha la beegsadeen saaxiibada caalamiga ah.

Fariisimada ay maanta ciidanku gaareen ayaa la xaqiijiyey in laga helay meydad katirsan kooxda Daacish, hub, sahay iyo fariisimo muhiim ah oo ay burbur xooggan gaarsiiyeen duqaymihii lala beegsaday 25-kii March 2025.

Mareykanka oo adeegsanaya bombooyinka culus ayaa burburiya difaacyada adag ayaa beegsaday saddexdii talis ee ugu muhiimsanaa, oo ay argagixisada Daacish ku lahayd inta u dhexaysa togaga Miiraale iyo Baalade oo horay loo sahmiyey.

Duqaymaha ayaa lagu burburiyey god weyn oo dhaca inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baalade, talis muhiim ah oo kuyiiley ceelbiyood muhiim ah oo ku yaalla togga Miraale iyo beegsiga saddexaad oo ahaa taliskii Miraale, waxaana la burburiyey dhammaan agabkii yaalle sida ay sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.