Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay agab Daacish macdanta ku qodi jirtey.

29 August, 2025

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntlandd ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigaty agab loo isticmaalo…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntlandd ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigaty agab loo isticmaalo macdan baaris, oo ay mileeshiyaadkii Daacish kaga firxadeen godad ku yaalla togga Baallade.

Saraakiisha ciidanka oo taagan godadkii laga qabsaday Daacish ee togga Baallade ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen noocyada kala duwan ee hubka iyo sidoo kale agab casri ah oo loo adeegsado baarista macdanta, gaar ahaan dahabka.