Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maanta weerar culus ku qaaday fariisimadii ay kooxda nabaddiidka ah ee…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maanta weerar culus ku qaaday fariisimadii ay kooxda nabaddiidka ah ee Daacish kaga sugnaayeen qaybo kamid ah buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Goobaha ay maanta ciidanku ku qaadeen duulaanka guulaystey waxaa kamid ah togga Garaar iyo fariisimadii kooxda Daacish ee Togga Miiraale oo muhiim u ahaa sii jiritaanka malayshiyaadka Daacish.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac ee ka socda Buuraleeyda Cal-miskaad Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta gudaha ku xaqiijiyey in ciidanku la wareegeen guud ahaan togga Garaar iyo fariisimo dhawr ah oo kuyaalla Garaar.