Ciidanka Puntland oo hawlgallo dib uga bilaabay Cal-miskaad.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ka…

29 May, 2026

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ka wada hawlgallo ay ku baadi-goobayaan firxadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish oo lagu jebiyey hawlgalkii ciribtirka argagixisada ee Hillaac.

Hawlgalkaan sifaynta ah ayaa ka socda deegaamo la tuhunsan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan shaqsiyaad katirsan kooxda Daacish oo mararka qaar dhac u geysta dadka reer guuraaga ah kadib markii ciidamada geesiyaasha ah ee dowladda Puntland ka go’doomiyeen badda iyo berriga.

Sarkaal katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Cal-miskaad ayaa sheegay in ciidanka oo kaashanaya diyaaradaha geysta duqaymaha culus ee Maraykanka iyo Walaalaha Imaaraadku ay duljoogaan goob kasta oo looga shakiyo firxadka kooxda nabaddiidka ah ee Daacish.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in saacadihii la soo dhaafay ay kordheen tirada diyaaradaha dul heehaabaya deegaamada qaar iyo ciidamada lugta ah.

Dowladda Puntland ayaa horay ugu amartay dadka reer guuraaga ah iyo ganacsatada Xijiga ee gobolka Bari inay isaga fogaadaan deegaamada lagu tuhmayo inay ku dhuumaalaysanayaan Daacish, iyadoo loo qabtay muddo 5 cisho ah kahor inta aysan bilaaban hawlgallo cir iyo dhul ah oo laga fulin doono aagaggaasi.