Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Turmusaale, waxay maanta sameeyeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan firxadka…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Turmusaale, waxay maanta sameeyeen hawlgalo ay ku ugaarsanayaan firxadka Argagixisada Daacish sida dhuumalaysiga ah u aasa miinooyinka, Ciidanka ayaa isu maray deegaannada ku hareeraysan Togga-jeceel iyo Togga Ina Cidoole, gaar ahaan deegaanka Dhextaal oo ay ku dhuumaleysanayeen firxadka Argagixisada Daacish.
Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidamadu isku fidiyeen talisyadii iyo deegaanadii ay ku dhuumaalaysanayeen Argagixisadu, iyagoo halkaasi ka helay godadkay degnaayeen iyo agabkii ay uga carareen.

Ciidanka Dowladda Puntland ee ciribtiraya Argagixisada waxaa ka go’an in ay godkasta iyo meelkasta oo ay ku dhuumanayaan Argagixisada Daacish ay lug ugu galaan illaa ay ka ciribtiraan Puntland oo dhan.
