Ciidanka Puntland oo hawlgallo sifayn ah ka wada togga Baallade ee Cal-miskaad.

6 November, 2025

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta ku jira hawlgal lagu sifeynayo firxadka argagixisada ee ku dhuumanayey…

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta ku jira hawlgal lagu sifeynayo firxadka argagixisada ee ku dhuumanayey qeybo kamid ah togga Baallade ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac ee ciribtirka Daacish ayaa lagu sheegay in ciidamadu beegsadeen godad ay ku dhuumaalaysanayeen dhagar-qabayaal katirsan malayshiyaadka Daacish.

Ciidanku waxay maanta ku jiraan hawlgal ay firxadka Argagixisada kaga sifeynayaan qaybaha u danbeeya ee ay ku dhuumanayeen togga Baallade“, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Cal-miskaad ayaa HM u xaqiijiyey in firxadka Daacish oo u badan ajaaniib, haween iyo carruur ay kujiraan laba god oo kuyaal Baallade.