Ciidanka Puntland oo isku fidiyey guud ahaan Togga Baalade.

17 June, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa guud ahaanba gacanta ku dhigay godadkii ugu…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee kujira hawlgalka Hillaac ayaa guud ahaanba gacanta ku dhigay godadkii ugu dambeeyey ee kooxda Daacish kaga sugnayd togga Baalade.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanku ka sameeyeen Baalade ay ku qabsadeen fariisimo muhiim ah isla markaana laga nadiifiyey kooxda Daacish.

Godadkii laga qabsaday Daacish ayaa loogu tegey meydad iyo ceelashii biyaha oo ay ciid ku duugeen kahor inta aysan ka cararin goobihii ay ku sugnaayeen.

“Ciidamada ayaa ugu tagay maydadka qaar ka mid ah argagixisada, iyo sidoo kale ceelashi biyaha ay ku aasayeen  ciid iyo mayd kooxda ay ka carareen. Waxaa sidoo kale la burburiyay dhismayaal iyo gabaadyo ay kooxdaasi si qarsoodi ah u isticmaali jireen ee ku yaalay togga baalade” ayay sheegtay dowladda Puntland.