Ciidanka Puntland oo isku fidiyey Togga Miiraale.

19 April, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka fashiliyey weerar gaadmo ah oo ay kooxda nafla caariga ah…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka fashiliyey weerar gaadmo ah oo ay kooxda nafla caariga ah ee Daacish ku soo qaadday mid kamid ah fariisimadii togga Miiraale ee maalinnimadii shalay lagala wareegey.

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan Miiraale ayaa HM u xaqiijiyey in la toogtey dhammaan kooxdii weerarka soo qaadday oo u badnaa ajaaniib ka soo jeedda Galbeedka Qaaradda Afrika.

Hawlgalka Hillaac ayaa dagaal saacado badan qaatay maalinimadii shalay kula wareegey inta badan saldhigyadii Kooxda Daacish ee togga Miiraale, waxaana la soo werinayaa meydad tiro beel ah, iyadoo ciidanku la kulmeen khasaare ka kooban dagaaladii togga Jacayl.