Ciidanka Puntland oo kaydad saanad ah ka qabsaday kooxda Daacish.

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen togga Baallade ku qabtay kayd hub iyo…

5 September, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen togga Baallade ku qabtay kayd hub iyo saanad ah oo ay ka firxadeen argagixisadii burburtay ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ayaa xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland qabteen keyd rasaas ah oo dhan 150 sanduuq, kuwaas oo loogu tegey godadkii ay ka carareen firxadka Daacish.

“150 Sanduuq oo Rasaas ah ayeey qabteen Ciidanku galabta, waxay la wareegeen godad horleh iyagoo baacsanaya firxadka Argagixisada Daacish #Calmiskaad ” ayuu sheegay Hawlgalka Calmiskaad oo warkan xaqiijiyay.