Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaamada…

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in deegaamada qaar uu ka socdo hawlgal xooggan oo lagu baadi goobayo firxadka Daacish.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada ee hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay inay ciidanku sii siqayaan bartilmaameedyo aan la carrabaabin oo la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan firxadka Daacish.
“Ciidanku waxay maanta wadaan hawlgal ay ku sifeynayaan firxadka Argagixisada, waxay Ciidanku isku fidiyeen oo kusii siqayaan deegaannada kooban ee firxadku ku dhuuman karo” ayuu yiri Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo warkan soo saaray.
Dhawaan ayey xukuumadda Puntland sheegtay in hawlgalka Hillaac lagu burburiyey 98% awooddii Daaicsh lagana saaray buuraha Calmiskaad, iyadoo ciidanku ku siqayaan deegaamada Marmarka iyo Walisoor oo ah goobihii ugu dambeeyey ee lagu sheegay firxadka kooxda Daacish.



