Ciidanka Puntland oo la wareegay talisyadii tababarada, Maxkamada iyo xafiisyadii argagixisada Daacish

15 January, 2025

Ciidamada Difaaca Puntland oo Argagixisada Daacish ka sifeeyay deegaannada Dhabancado, Digaalle illaa iyo togga Kaadille ee buuralayda Cal-miskaad.

Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa shaaciyay in ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ay la wareegeen Dugsiga Tababarada ee kooxda Daacish, Maxkamadoodii iyo xafiisyo ay ku shaqeeynayeen xubnaha sare ee argagixisada, kuwaas oo ku yaalay buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

“Allaahu Akbar, Ciidanku waxay la wareegeen Dugsigii Tababarada ee Argagixsada Daacish, Maxkamadoodii iyo Xafiisyadii xubnaha ugu sareeya.” Taliska hawgalka.

Ciidamada ayaa guulo is dabajoog ah ka gaaray howlgalka ciribtirka argagixisada, waxaana ay la wareegeen maalmihii lasoo dhaafay Talisyo muhiim ah, hub, saanad, diyaarado Drone ah iyo agabyo kale, iyagoo sidoo kale la laayay maleeshiyaad fara-badan oo katirsanaa argagixisada.

Sidoo kale, Ciidamada Difaaca Puntland ayaa argagixisada Daacish ka sifeeyay deegaannada Dhabancado, Digaalle illaa iyo togga Kaadille ee buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Horseed Media