Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa laba jibbaarey hawlgallada ay ku baacsanayaan firxadka kooxda Daacish ee ku…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa laba jibbaarey hawlgallada ay ku baacsanayaan firxadka kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya deegaamada buuraleeyda ah ee gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidanku gaareen deegaamada Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaan katirsan buuraleeyda Cal-miskaad.
” Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo jiho walba ah kaga jira Buuraha Calmiskaad ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre, kuwaasi oo ku teedsan tog weynaha Baallade”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.
Dhanka kalena, hawlgalka Hillaac ayaa sheegay in wajiga 4aad weli ku socdo jiho wanaagsan,“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan”.




