Ciidanka Puntland oo qabtay gaari sahay u sidey kooxda Daacish.

28 July, 2025

Ciidamada Ammaanka Puntland oo ku sugan duleedka Boosaaso ayaa xalay gacanta ku dhigay baabuur raashin u…

Ciidamada Ammaanka Puntland oo ku sugan duleedka Boosaaso ayaa xalay gacanta ku dhigay baabuur raashin u siday firxadkii ka haray mileeshiyaadka Daacish oo ku go’doonsan togga Baallade.

Ciidamada Ammaanka oo hawlgal ka sameeyay nawaaxiga Biyo-kulule ayaa qabtay baabuur nooca loo yaqaan ‘Dhaynaha’ oo raashin ku rasaysan yahay iyo laba nin oo watay, kuwaasi oo baaris kaddib qirtay in ay Raashinka u sideen firxadkii argagixisada Daacish ee weli ku dhuumanaya togga Baallade.

Sidaan ka xigannay Sarkaal ka tirsan laamaha Baarista dowladda Puntland, waxaa baabuurkan si qarsoodi ah looga raray gudaha Boosaaso, waxaase laamaha Ammaanka Gobolka Bari ku guulaysteen in ay ku qabtaan eeriya Biyo-kulule, isagoo ku jihaysnaa dhinaca togga Baallade.

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in laamaha Ammaanku weli baaris ku wadaan labadii nin oo baabuurka watay, kuwaasi oo qirtay in ay noocyada kala duwan ee raashinka u sideen firxadkii argagixisada ee ku dhuumanaya meelo kamid ah togga Baallade.

Dhinaca kale, xogo amni oo laga helay gudaha kooxda burburtay ee Daacish ayaa muujinaya in uu ka go’ay keydkii raashinka iyo dawooyinka, kaddib markii ciidamada Puntland go’doomin ka saareen jiho kasta, taasi oo soo gaabinaysa nolosha argagixisada wixii ka fiigay gacanta ciidamada.