Ciidanka Puntland oo qabtay maxaabiis katirsan kooxda Daacish.

13 October, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay hawlgallo xooggan oo ciidanka difaaca Dowladda Puntland maanta ka…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay hawlgallo xooggan oo ciidanka difaaca Dowladda Puntland maanta ka sameeyeen deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Hawlgalkii maanta oo intiisa badan ka dhacay togga Baallade ayaa ciidanku ku dileen in ka badan 3 xubnood oo ajaaniib ah iyagoo gacanta ku dhigey argagixiye u dhashay dalka Suuriya.

“Waxaa i haysa gaajo daran, waxaa ila socdey laba nin oo kale waxayna ka beqeen Ciidamada”, Sidaasi waxaa yirin Maxbuus katirsan kooxda DaacSH oo ciidanka difaaca Puntland maanta ka qabteen buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.