Ciidamada difaaca Puntland oo howlgal ka sameeyey togga Baallade ee duleedka magalada Bosaaso ayaa gacanta ku…

Ciidamada difaaca Puntland oo howlgal ka sameeyey togga Baallade ee duleedka magalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo raashin u waday firxadka argagixisada Daacish.
Labada Nin oo waday raashin kala duwan ayaa ciidanka birmadku ka qabteen Ceelka Gabo-gabo iyagoo doonayey inay si dhuumaalaysi ah ugu geeyaan argagixisada Daacish.
Taliyaha ciidanka Birmadka Booliiska Cabdi Siciid Magli Aasburo ayaa digniin u diray cidkasta oo isku dayda falkaan oo kale inay tallaabo ka qaadi doonaan, dowladuna ay ku daba jirto soo qabashada qof walba oo garab siiya firxadka argagixisada Daacish.
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Maxamed Baari ayaa horay u sheegay in loo dhexeeyo ciidamada iyo argagixisada Daacish oo jiraan dad la shaqeeya firxadka argagixisada.




