Ciidanka Puntland oo saaka hawlgallo ka wada Maraagane iyo Barakallaah.

18 November, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah hawlgallo xooggan ka wada deegaamo katirsan…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah hawlgallo xooggan ka wada deegaamo katirsan togga Baallade ee duleedka Magaalada Boosaaso.

Hawlgalladaaan oo qayb ka ah ciribtirka argagixisada Daacish ayaa lagu beegsaday Maraagane iyo Barakallaah, oo la sheegay inay yihiin goobihii ugu dambeeyey ee ay ku dhuumaalaysanayeen Daacish.

Saraakiil katirsan hawlgalka Hillaac ayaa warbaahinta u sheegay in Daacish ay ku soo ururireen labo god wax ka yar ayna ciidanku ugu geli doonaan maalmaha soo socda.

Xubno katirsan golaha xukuumadda Puntland oo maalinimadii shalay gaarey tuulooyinka ku teedsan togga Jacayl ayaa sheegay in hawlgalku uusan weli dhammaan ilaa laga soo afmeero qofka ugu dambeeya ee Daacish.