Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo weli hawgallo ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa gacanta…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo weli hawgallo ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay xubintii 2aad oo ah ajnebi katirsanaa kooxda Daacish.
Af-hayeenka Hawlgalka Calmiskaad Gen. Maxamud Maxamed Faadhigo oo warkan faafiyay ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland gacanta ku dhigeen nin ka soo jeeda dalka Yemen oo katirsanaa firxadka Daacish.
“Ciidamada difaaca dowladda Puntland waxay gacanta ku dhigeen xubin ka firxaday argagixisadii burburtay ee Daacish, kaasi oo u dhashay dalka Yemen, waxaana la qabtay isagoo keligiis ah oo ka soo fiigay Hawlgalkii togga Baallade, halkaasi oo ay ku kala yaaceen firxadkii u danbeeyay ee kooxda”, Ayuu yiri Gen. Faadhigo.



