5 June, 2025
Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa soo bandhigay hub, sahay iyo saanad ay gacanta kaga dhigeen malayshiyaadka…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa soo bandhigay hub, sahay iyo saanad ay gacanta kaga dhigeen malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Daacish oo lagu jebiyey dagaaladii Cal-miskaad.
Agabkaan dagaal ee ay ciidanku soo bandhigeen ayaa lagu qabtay togga Baalade iyo saldhigyadii Daacish lagu jebiyey ee ku oolaa togga Miiraale oo maalmo kahor ciidanku gacanta ku dhigeen.
Saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa ayaa sheegay in Daacish gabalkeedii dhacay ayna hadda baadi goobayaan firxadkii ugu dambeeyey oo si dhuumaalaysi ah ugu dhuumanaya godad ku yaal gobolka Bari.