Ciidanka Puntland oo soo bandhigay meydad iyo fariisimo laga qabtay Daacish.

3 September, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee hawlgallada ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ayaa soo bandhigay, meydad ay ka…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee hawlgallada ka wada buuraleeyda Cal-miskaad ayaa soo bandhigay, meydad ay ka laayeen kooxda Daacish iyo saldhigyo muhiim ah oo laga qabsaday kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in ciidamada difaaca Puntland oo guluf culus ka fuliyay togga Baallade ay mileeshiyaadkii Daacish kala wareegeen ceelasha Burti-Cise iyo Afka Dharimood oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo qaatay maalmo kula wareegey fadhiisimo muhiim u ahaa khawaariijta Daacish, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ceelasha Burti-cise iyo Af-ka Dharimood ee togga Baallade” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.