Ciidanka Puntland oo weerar cir iyo dhul ah kula wareegey ceelka Miiraale.

31 May, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday fariisimadii kooxda nabaddiidka ah…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday fariisimadii kooxda nabaddiidka ah ee Daacish kaga sugnayd togga Miiraale ee buuraleeyda Cal-miskaad.

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ay weheliyaan diyaaradaha dagaalka ayaa goor horeba galay Ceelka Miraale, oo ay ku dhuumaalaysan jireen Daacish labadii bilood ee la soo dhaafay.

Ciidamada ayaa goobtaasi ugu tegey meydad qalfoof noqday, saldhigyo, sahay ciidan, dhar iyo agab kale oo ay lahaayeen kooxda Daacish, sida ka muuqata muuqaalada lagu baahiyey baraha bulshada ee ciidamada.