Ciidamada Difaaca Puntland oo Hawlgallo laba jiho ah shalay ku qaaday Argagixisada Daacish ayaa si buuxda…

Ciidamada Difaaca Puntland oo Hawlgallo laba jiho ah shalay ku qaaday Argagixisada Daacish ayaa si buuxda oo awood leh ula-wareegey Ceelasha Yucrinta iyo Goble oo ka tirsan togga Baalade.
Subaxnimadii hore ee saaka ayaa ciidanku isku wareejiyeen ceelka Maraagaale oo ay isku urursanayeen malayshiyaad katirsan Daacish, sida ay HM u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka difaaca Puntland.
Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maalinimadii shalay khaarajiyey 8 sharwade oo katirsan kooxda Daacish, halka tiro intaasi ka badanna laga dhaawacay oo raadkooda iyo dhiiggooda lagu raadjoogo.







