Ciidanka Puntland oo weerar ku qaaday dhagar-qabayaashii miinada u aasay Gen. Qal-yare.

28 September, 2025

Ciidanka difaaca Puntland howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Koor-Xagarle oo hoos-yimaada deegaanka Dhasaan ahayd…

Ciidanka difaaca Puntland howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Koor-Xagarle oo hoos-yimaada deegaanka Dhasaan ahayd halkii qarax miino loogu aasay Taliyihii guutada 2aad hawlgalka Hilaac ku khaarajiyey xubno katirsan kooxda Daacish.

Inta la xaqiijiyey 4 xubnood ayaa goobta lagu diley, hal maxbuusna nolosha lagu qabtay, halka 3 kalena ciidanku ku hareersayn yihiin qorshuhuna yahay in gacanta lagu soo qabto.

“Ciidanka Difaaca Puntland Gar ahaan Guuto labad oo saaka Aroorti hore hawlgal qorshaysan ku qaaday Deeganka Guryasame , waxay ciidanka Geesiyaasha Halkaa Ku khaarajiyeen 4 xubnood oo ka Tirsan Argagaxisada Daacish waxaana ciidanku cagta mariyeen dhamaan miinaystayashi Argagaxisada Daacish Oo ku dhuumalaysanayay Aga Guryasame”, Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay taliska Duufaan.