Ciidanka Puntland oo weeraray goob ay ku dhuumanayeen hoggaamiyayaal katirsan Daacish.

Dagaal u dhexeeya ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo kooxda Daacish ayaa maanta ka socda deegaanka Ceelka…

13 October, 2025

Dagaal u dhexeeya ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo kooxda Daacish ayaa maanta ka socda deegaanka Ceelka Il-abbal ee buuraleeyda Cal-miskaad oo katirsan gobolka Bari.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka difaaca dowladda Puntland ay duulaan dhawr jiho ah ku qaaday Ceelka Il-abbal oo ay ku dhuumaalaysanayaan hor-joogayaal katirsan Daacish.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyey in goobta la weeraray ay ku dhuumaalaysanaayn xubno uu kamid yahay Cabdiraxmaan Faahiye, oo kamid ah xubnihii ugu sarreeyey ee Daacish.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in 5tii xubnood ee ugu sarraysay 3 kamid ah la soo afmeeray ayna hadda baadi goobayaan labada xubnood ee aan xogtooda la hayn.