Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka ciidanka Somaliland ku qaadeen doonyo kalluumaysi oo…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka ciidanka Somaliland ku qaadeen doonyo kalluumaysi oo ku sugnaa xeebaha degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.
Ciidanka Somaliland oo watey doonyo ayaa gaarey xeebta Laas-qoray waxaana ay rasaas ku fureen dadka deegaanka kahor inta aysan kaxaysan laba doonyood oo ay lahaayeen kalluumaysatada deegaanku, sida uu HM u sheegay mid kamid ah bulshada Laas-qoray.
“Majir wax khasaare nafeed ah oo na gaarey laakiin ciidanka Somaliland oo dhanka badda ka soo galay deegaanku waxay rasaas ku fureen bulshada iyagoo afduubtay laba doonyood,” Ayuu yiri mid kamid ah kalluumaysada Laas-qoray.
Majiro wax war ah oo ku aadan weerarkaan oo ka soo baxay ciidanka Somaliland iyo Mas’uuliyiinta Puntland ee ku sugan degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.



