Ciidanka Taraafikada & Dowladda hoose ee Bosaso oo isku maandhaafay maamulka waddooyinka.

Khilaaf u dhexeeya Ciidamada Taraafikada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso…

2 November, 2026

Khilaaf u dhexeeya Ciidamada Taraafikada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso ayaa maanta isu beddelay gacan ka hadal, kaas oo sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray laba ka mid ah shaqaalaha maamulka degmada.

Khilaafka ayaa salka ku haya maamulka iyo hagista isu socodka waddooyinka magaalada, kaddib markii Dowladda Hoose ee Boosaaso ay bilowday barnaamij lagu nidaaminayo waddooyinka iyo isku socodka gaadiidka, tallaabadaas oo ay ka horyimaadeen Ciidanka Taraafikada oo ku dooday in maamulka iyo hagista waddooyinku ay ka mid yihiin waajibaadkooda shaqo.

Is-afgaranwaaga labada dhinac ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana maanta uu gaaray heer gacan ka hadal ah oo ka dhacay bartamaha Suuqa Weyn ee magaalada Boosaaso oo ay xilligaasi ku sugnaayeen boqolaal kamid ah ganacsatada iyo shacabka Magaalada Boosaaso.