Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota cidii si sharci-darro…

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota cidii si sharci-darro ah u isticmaalaya astaamaha, agabka iyo calaamadaha Ciidanka XDS, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska taliska guud ee ciidanka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in si buuxda looga mamnuucay isticmaalka dareyska, darajooyinka iyo calaamadaha Ciidanka XDS, iyadoo qof kasta oo lagu qabto isagoo adeegsanaya la horgeyn doono sharciga. Taliska ayaa tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo si khaldan u adeegsaneysa astaamaha ciidanka, isla markaana Garaashyada loo sheegay in aysan adeeg dayactir siin karin gaadiidka ciidamada haddii aysan haysan fasax rasmi ah.
Todobaadkii hore weerar iyo qaraxyo ayaa lala beegsaday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho oo ay isticmaalaan NISA, weerarkaas oo loo adeegsaday gaari ciidan oo ku buufsan astaanta ciidamada NISA. Weerarka waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxaana falkaas lagu tilmaamay mid muujinaya sida khatar ah ee ay u tahay isticmaalka sharci-darrada ah ee astaamaha ciidamada.
Dhanka kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa si joogto ah u adeegsadaan gaadiid iyo ilaalayaal xirta dareys ciidan oo leh calaamadaha XDS. Tani ayaa walaac ka dhalinaysa inay saamayso mucaaradka balse ilaa hada lama oga inay fariintan khusayso dhankooda.




