Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka dib u qabsaday deegaanka Aboorey ee…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka dib u qabsaday deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan oo ay maalinimadii shalay la wareegeen malayshiyaad katirsan ururka Alshabaab.
Qoraal kooban oo lagu baahiyey baraha bulshada warbaahinta dowladda ayaa lagu xaqiijiyey in hawlgal qorshaysan oo saaka ka dhacay Aboorey lagu baacsaday kooxdii shalay weerarka ku soo qaadday ayna ciidanku gaarsiiyeen khasaare xooggan.
“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saakay hawlgal culus waxa ay ku qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan ayadoo ciidammadu ay gebi ahaanba ka saareen Maleeshiyaadkii Khawaarijta deegaankaasi Aboorey. Ciidammada ayaa hada sii baacsanaya firxadka Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee dagaalka looga saaray aagaasi.
Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab waxaa ku socda hawlgal saf ballaaran ayadoo lagu hayo weerarro joogto ah waxaana hawlgalladii ugu dambeeyey ay ka socdaan nawaaxiga degmada Runirgood, deegaannada Guulane iyo Ceel Cali Axmed oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan iyo deegaanno dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.“
Deegaanka Boorey oo qiyaastii 25km Waqooyi bari kaga beegan Degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha istaraatijiga u ah dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto malayshiyaadka nabaddiidka ah ee Alshabaab.



