Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal CXDS iyo Al-Shabaab gelinkii hore ee…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal CXDS iyo Al-Shabaab gelinkii hore ee maanta ku dhexmaray agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Bay, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku beegsadaan ciidanka Xoogga.
Bayaan ka soo baxay dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalku ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira wadada Baydhabo.
Ilo wareedyo Madax-banaan aya sheegaya in ciidanka kusii jeeda Baydhabo ay dib u gurteen kadib dhabbagalka Alshabaab iyadoo diyaarado dagaal ay deegaamada qaar duqayn ka wadaan.

Dhanka kalena, Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xiisadda Koonfurgalbeed lagu xalliyo gudaha Golaha Wadatshiga Qaran (NCC) oo ay ka wadatirsan yihiin Mw Xasan Shiikh & Mw Laftagareen, ka dib doorashadii KGS.





