Ciidamada difaaca Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday deegaamo ay kooxda Daacish kaga…

Ciidamada difaaca Puntland ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaaday deegaamo ay kooxda Daacish kaga sugan tahay togga Jacayl oo dhaca buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay dhegta dhiigga u dareen maleyshiyaadkii Daacish ee ku sugnaa deegaanka Haraaryo oo ay maalmihii la soo dhaafay isku urursanayeen.
Daacish ayaa ayaa ciidanka ku weerartay gaari iska rogo ah iyo mootooyin laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana ciidamadu ku guulaysteen inay gubaan gaadiidkaan qaraxyada xambaarsanaa.
Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmaya xilli habeenimadii xalay duqaymo cirka ah ay ka dheceen deegaamada Qurac, Dandamale, Daray Madoobe, Garaar iyo Sheebaab oo dhammaan kamid ah goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan Dcish.
Afhayeenka hawlgalka Gen. Faadhigo ayaa shalay sheegay in la dhammaystiray sahankii iyo qorshayaashii dagaalka isla markaana ay maalmaha soo socda ciidamadu gaari doonaan fariisimo hor leh oo ay Daacish ku sugan yihiin.



