Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Ciraaq ayaa uga digay Maraykanka in tallaabo kasta oo Washington…

Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Ciraaq ayaa uga digay Maraykanka in tallaabo kasta oo Washington ku xaddidayso in gaaska dabiiciga ah ee Iran la geeyo Ciraaq ay sababi doonto burbur ku yimaada hanaanka tamarta korontada Ciraaq.
Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka Ciraaq, Atwan Al-Atwani ayaa Axaddii ergeyga ugu sarreeya Maraykanka ee Ciraaq u sheegay inay wajahi doonaan xasillooni darro dhaqaale haddii Washington ay go’aansato inay ka noqoto tanaasulkeeda ku aaddan gaaska dabiiciga ah Ciraaq ka soo dhoofsato Iran.
Digniinta Atwani ayaa yimid saacado kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay cunaqabateyntii Iran ee u ogalaatay Ciraaq in ay koronto kala soo degto dariskeeda jihada Bari.
Hanaanka tamamarta dalka burburay ee Ciraaq ayaa siweyn ugu tiirsan dhoofka gaaska dabiiciga ah ee kayimaada dalka Iran oo ay siweyn isu hayaan wadamada reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horreeyo.