Ciro “Geelle wuxuu noqon doonaa Madaxweynahii ugu horeeya yimaada Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ciro ayaa sheegay inuu rajeynayo in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle noqdo…

27 August, 2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Ciro ayaa sheegay inuu rajeynayo in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle noqdo madaxweynahii ugu horreeyay ee booqda Somaliland taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi u noqonaysa Geelle iyo Somaliland.

Hadalkan wuxuu Ciro ka jeediyay kulan uu la yeeshay Wasiirka Maalgashiga Jabuuti oo ku sugan Hargeysa isaga oo hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay doonayso inay xiriir wanaagsan iyo heshiis wadashaqayn la yeelato dhammaan madaxda gobolka gaar ahaan Jabuuti oo uu ku tilmaamay saaxiibka ugu dhow Somaliland.

Madaxweyne Ciro ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhawaan la bilaabi doono dhismaha waddo cusub oo isku xiri doonta Somaliland iyo Jabuuti gaar ahaan Boorama ilaa Lawyocaddo taas oo uu sheegay inay xoojin doonto isku socodka ganacsiga iyo dadka labada dhinac.

Waxaa xusid mudan in Somaliland ay jirtay in ka badan 34 sano isla markaana aanay hore u dhicin in madaxweyne dal kale ahi booqdo hadii uu Geelle yimaado waxay noqonaysaa riyo u rumowday Somaliland.

Xiriirka Somaliland iyo Jabuuti waxaa soo kala dhexgalay madmadow sanadkii 2024 xilligii uu talinayay Muuse Biixi Cabdi hase yeeshee Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu dib u xoojin doono xiriirka labada dhinac si loo abuuro jawi cusub oo iskaashi iyo derisnimo ah.