Ciro oo ka Joojiyey Shirkadaha Internetka Qiimo kordhin ay sameeyeen.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa caawa war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ku dhawaaqay in la…

9 August, 2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa caawa war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ku dhawaaqay in la hakiyay go’aankii shirkadaha isgaadhsiinta ay dhawaan ku kordhiyeen qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku hadalka taleefannada gacanta. Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda iyo shirkaduhu isla garteen in qiimaha adeegyada dib loogu celiyo halkii hore ilaa amar dambe iyadoo dowladdu si degdeg ah wadahadallo ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyadaas.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii shirkadaha isgaadhsiinta ay hore ugu dhawaaqeen kordhin ku dhow 100% ah oo lagu sameeyay qiimaha internet-ka iyo wicitaanada taas oo si weyn uga yaabisay bulshada. Internet-ka Somaliland ayaa hore loogu yaqaanay qiimo jaban.

Kordhinta qiimaha ayaa keentay caro iyo hadal-hayn ballaaran oo ka dhacday baraha bulshada iyadoo shacabka ay si cad ugu baaqeen dowladda in ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo shirkadaha. Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegay in qiimahan cusub uu si toos ah u saameyn doono nolol maalmeedka iyo ganacsiga.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay iyadoo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan Hargeysa laga bilaabay qaban-qaabada bannaanbaxyo looga soo horjeedo kordhinta qiimaha adeegyada isgaadhsiinta. Dadweynaha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin go’aanka shirkadaha haddii aan dib loo qaadin.

Hakinta ku-meel-gaadhka ah ee madaxweyne Ciro ayaa loo arkaa tallaabo lagu dejinayo xaaladda balse shacabka iyo falanqeeyayaasha ayaa indhaha ku haya wadahadallada la filayo in xukuumaddu la yeelato shirkadaha si loo ogaado haddii go’aankan uu noqon doono mid joogto ah ama kumeelgaar ah.