Ciro “Sool iyo Shacabkeedu waa Somaliland”

18 August, 2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa si adag uga hadlay maamulka cusub ee dhawaan la…

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa si adag uga hadlay maamulka cusub ee dhawaan la dhisay ee Waqooyi Bari, Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland leedahay xuduud cad oo caalami ahaan lana yaqaan islamarkaana dowlad kasta oo caalamka ka tirsan oo la macaamilaysa Somaliland ay garanayso dhulkeeda.

Ciro ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ku xadgudubtay dhulka Somaliland kadib markii dhulka ay sheegato Somaliland laga hirgeliyey maamulka cusub, Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in tallaabadan ay muujinayso faragelin siyaasadeed iyo mid dhuleed oo aan Somaliland aqbali doonin.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale fariin u diray shacabka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoo ku booriyay inay ku dhegganaadaan waxa uu ugu yeeray midnimada Somaliland.

“Waxaan leeyahay Hargeysa ayaa idinka dhow Xamar, Hargeysa wax wada leedihiin” ayuu yiri Ciro isagoo tilmaamay in dadka gobolladaas ay qayb buuxda ka yihiin maamulka Somaliland.

Sidoo kale Ciro wuxuu sheegay in waqti dhow ay dhammaan doonaan khilaafaadka jira isla markaana xuduudaha Somaliland dib loo soo celin doono si buuxda, Madaxweyne Ciro ayaa caddeeyay in Somaliland diyaar u tahay inay difaacdo dhulkeeda iyo jiritaankeeda.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay socoto dhamaystirka maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo hada la wado qabashada doorashada Hogaanka Baarlamaanka iyo midii Madaxtinimada oo ku xigta.